Monday, June 16, 2025
HomeAll NewsMaamulka ay Itoobiya ka Dhisatay Soomaali-galbeed oo Kordhiyay Dhibaatada uu ku Hayo...

Maamulka ay Itoobiya ka Dhisatay Soomaali-galbeed oo Kordhiyay Dhibaatada uu ku Hayo Bulshada.

Dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Dowladda Itoobiya ayaa waxaa marba marka ka dambeysa laga soo sheegayaa, dhibaatooyin horleh uu geysanayo maamulka Xabashuda ku daaban ee ka arrimiya dhulkaas.

Bulshada ku dhaqan degmada Bookh ee gobalka Doollo oo katirsan dhulka Soomaali-galbeed ayaa waxa ay kasoo horjeesteen. qorshe uu ku dhaqaaqay maamulka uu hogaamiyo Mustafa Cagjar ee ka amar qaata Itoobiya.

Isbitaal la qorsheynayay in laga dhiso degmada ayaa waxaa arrinkaas isku dayay inuu musuqmaasuqo maamulka, kuwaas oo doonayay iney dhismayaal hore dayac tiraan islamarkaana ay leexsadaan lacagihii lagu dhisi lahaa isbitaalka.

Waxa ay billaabeen ineu jaraan qeybo muhiim ah oo kamid ah wadada weyn ee magaalada Bookh, shacabka ku dhaqan degmada ayaana kasoo horjeestay arrinkaas.

Halkaan ka Degso Warka Bookh

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.