Monday, June 30, 2025
HomeAll NewsMaamulka ay Kenya ka Dhisatay NFD oo Dhulboob ka Wada Gobalka Gaarisa.

Maamulka ay Kenya ka Dhisatay NFD oo Dhulboob ka Wada Gobalka Gaarisa.

Maamulka ay Dowladda Kenya ka dhisatay dhulka NFD ayaa dhulboob ka wada deegaanno kaatirsan gobalka Wajeer ee ay gumeysato Kenya.

Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay dhulka NFD oo ku hoos jira gumeysiga Kenya kusii kordhayeen dilalka iyo tacadiyaadka ay wajahayaan bulshada ku dhaqan dhulkaas, ayaa waxa uu maamulka ay Kenya ka dhisatay gobalka Wajeer billaabay inuu boobo dhulka dadka rayidka ah.

Odayaasha ku dhaqan deegaanka Adamasajida oo katirsan gobalka Wajeer ayaa waxa ay si adag uga soo horjeesteen, dhulboob ay wado Wasaaradda Dhulka ee maamulkaa ay Dowladda Kenya ka dhisatay gobalka Wajeer.

Waxa ay sheegeen in aysan marnaba dulmi qaadan doonin, haddii arrintaas lagu dhaqaaqana ay ka dagaallami doonaan.

Halkaan ka Degso Warka Gaarisa

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.