Bulshada ku dhaqan tuulo hoostagta degmaada Hargeelle ee gobalka Afdheer oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed ayaa waxa ay sheegeen, in dhibaatooyin ay kala kulmayaan maamulka ay Xabashida Itoobiya ka dhistay halkaas.
Waxa ay sheegeen in dhul beereed ku yaalla tuulada uu xoog ku qaadanayo gudoomiyaha Hargeelle ee gobalka Afdheer kuna hoos jira gumeysiga Xabashida.
Odayaal isku dayay iney kala hadlaan dhibaatada uu wado ayay bulshadu sheegeen in xabsiga la dhigay, si awood ahna lagu boobayo dhulkooda.