Maamulka ay Xabashida Itoobiya ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ayaa burburin ku haya dhisme uu nin ganacsade ah ku leeyahay magaalada Jigjiga.
Maxamed Xuseen Cabdi waxa uu kamid yahay dhalinyarada ku dhaqan magaalada Jigjiga ee dhawaan dib ugu soo laabtay halkaas, kaas oo dhibaatooyin kala kulmaya maamulka ay Xabashudu ka dhisatay magaalada.
Maxamed ayaa sheegay in maamulkii hore ee Cabdi Iley iyo kan hadda jooga ee Mustafa Cagjar ay burburin ku hayaan hotel iyo guri uu ku leeyahay magaalada Jigjiga ee ku hoos jirta gumeysiga Itoobiya.