Monday, April 7, 2025
HomeAll NewsMaamulka ay Xabashidu ka Dhisatay Soomaali-galbeed oo Caburin ku Haya Dadka Rayidka...

Maamulka ay Xabashidu ka Dhisatay Soomaali-galbeed oo Caburin ku Haya Dadka Rayidka ah.

Maamulka ay xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ayaa billaabay inuu xoog kaga hadashiiyo odayaasha deegaanka, si loo qariyo dhibaatooyinka ka dhacaya dhulkaas.

Degmada Gallaadi oo kamid ah dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jirta gumeysiga Xabashida Itoobiya, ayaa waxaa laga soo sheegayaa in maamulka ay Itoobiya ka dhisatay halkaasi uu billaabay inuu xoog kaga hadashiiyo odayaasha deegaanka, si loo qariyo dhibaatooyinka ka dhacaya dhulkaas.

Degmada oo ay ka jireen dhibaatooyin badan oo ay kamid yihiin caburinta dadka ayaa sababtay iney kacaan dhalinyarada magaalada, ayna iska dul qaadaan maamulka gumeysiga ku heysta.

Intaasi kadib waxa uu maamulka degmada ee taabacsan Xabashida Itoobiya billaabay inuu uruuriyo odayaasha degmada, si ay uga hadashiiyaan una sheegaan ineysan wax dhibaatooyin ah ka jirin magaalada, qaarkoodna ayba taageersan yihiin maamulka sida uu sheegayo Muuse Jibriil oo kamid ah dhalinyarada degmada Gallaadi ee dhulka Soomaali-galbeed.

Halkaan ka Degso Warka Gallaadi

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.