Maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ayaa ku goodiyay inuu beegsan doono mucaaradka iyo dadka shacabka ah ee ka hadla dhibaatada uu geysanayo maamulkaas.
Magaalada Jigjiga ee xarunta dhulka Soomaali-galbeed oo ay gumeysato Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa waxaa ka dhacay, shirar ay isugu yimaadeen wasiirro iyo saraakiil katirsan maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulkaas.
Shirarkaan ayaa waxaa looga hadlayay sidii loo beegsan lahaa dadka shacabka ah iyo xubnaha mucaaradka ku ah maamulka ku daaban Xabashida ee dhulka Soomaali-galbeed, waxaana uu maamulku si cad u sheegay iney beegsan doonaan dadkaas.
Maxamed Aadan oo ah Wasiirka Warfaafinta ee maamulka ay xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ayaa waxa uu sheegay, in ay ka shaqeyn doonaan beegsiga iyo caburinta dadka shacabka ah, ayna go’aan ku gaareen iney xabsiga dhigaan dad badan.
Cabdi Cali Siyaad Jenaraal (Gafeydhe) oo isana kamid ah saraakiisha dhibaatada ba’an ka wada dhulka Soomaali-galbeed ayaa waxa uu sheegay, in ay lagama maarmaan tahay beegsiga siyaasiyiinta mucaaradka ku ah maamulkooda, islamarkaana lagu weeraro meel waliba oo ay ka joogaan dunida.
Shirarkaas kadib waxaa si toos ah u billawday beegsiga xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeeda maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed ee ku hoos jira gumeysiga Itoobiya, waxaana weerar ka dhacay magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya lagu beegsaday 2 kamid ah mucaaradka maamulkaas.
Labada xubnood ee katirsan mucaaradka ayaa ka badbaaday iskudayga dil, walow uu midkood soo gaaray dhaawac, kaas oo la dhigay xarun caafimaad, waxaana ay wararku intaas ku darayaaan, in xubnaha uu qorshuhu ahaa beegsidooda ay gaarayaan 9 ruux.
Baaritaaanno horudhac ah oo ay sameeyeen laamaha amniga ee Dowladda Xabashida Itoobiya ayaa muujinaya, in shirqoolkaan laga soo abaabulay magaalada Jigjiga ee dhulka Soomaali-galbeed, islamarkaana ay ku lug leeyihiin xubno sarsare oo katirsan maamulkaas, kuwaas oo uu ugu horreeyo hogaamiyahooda oo lagu magacaabo Mustafa Cagjar.