Monday, May 19, 2025
HomeAll NewsMaamulka Gobalka Banaadir oo Lagu Eedeeyay Inuusan Waxba ka Qaban Burburka Wadooyinka.

Maamulka Gobalka Banaadir oo Lagu Eedeeyay Inuusan Waxba ka Qaban Burburka Wadooyinka.

Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Fedaraalka ayaa lagu eedeeyay inuusan waxba ka qaban wadooyinka Burbursan ee magaalada Muqdisho.

Dadka isticmaala wadooyinka magaalada Muqdisho oo ay ugu horreeyaan gaadiidleyda ayaa cabasho ka muujiya, burburka baaxadda leh ee ka jira wadooyinka ugu muhiimsan Xamar.

Gaadiileyda ayaa sheegay iney maritaanka wadooyinka qaar dhib ku qabaan burburka ka jira awgii, sido kalena ay fadhiyaan biyo ka haray roobabkii ka da’ay magaalada.

Wadada isku xirta is-goyska Dabka iyo suuqa Bakaaraha, ayey gaadiidleydu si gaar ah cabasho uga muujiyeen, waxayna sheegeen inaaney marin oo ay soo galaan wareeg dheer, maadaama ay burbursan tahay biyona fadhiyaan.

Halkaan ka Degso Warka Burburka Wadooyinka

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.