War kasoo baxay maamulka gobalka Hiiraan ayaa waxaa lagu cambaareeyay islamarkaana looga soo horjeestay, howlo ay hey’adda aqoonsiga diiwaan galinta ee Dowladda Fedaraalka ka wado gobalka, kaas oo ay ku diiwaan galineyso mashruuca doorashada qof iyo codka lagu sheegay.
Tani ayuu maamulku tilmaamay iney tahay mid aan waafaqsaneyn shruucda ay dajisteen, islamarkaana ay halis weyn ku tahay xasilloonida gobalka.
Maamulka ayaa sidoo kale hey’adda ku eedeeyay iney ka shaqeyneyso kala qeybinta bulshada ku dhaqan gobalka Hiiraan, isagoona ka digay sii socoshada howlahaas.
Waxa uu ku goodiyay in wixii cawaaqib xumo ah ee ka dhasha mashruucaan diiwaan galinta ah ay masuuliyadeeda qaadan doonto hey’adda.