Maamulka gobolka Banaadir ee Dowladda Federaalka, ayaa soo kordhiyay canshuur horleh, oo laga qaadayo dadka iyo ganacsatada Muqdisho.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay, iney lacago canshuur ah ka rabaan boor kasta oo ku dhegan magaalada caasimadda ah, ciddii aan isdiiwaangelin ee boorarkaas iska lehna ay tallaabo ka qaadi doonaan.
Haweeney u hadashey waaxda Canshuuraha ee maamulka gobolka Banaadir ayaa arintan ku dhawaaqday, iyadoo tilmaamtay in sidoo kale ay amrayaan in nalal lagu xiro boorarka.