Khilaaf ayaa soo kala dhexglay maamulka Hir Shabeelle, kaasoo salka ku hayo gole deegaan oo la sheegay in laga dhisayo magaalada Balcad.
Wasiirka arimaha gudaha maamulka Hir Shabeelle ayaa sheegay inuu isagu dhisayo gole deegaan oo ay yeelato magaalada Balcad, waxaase ka horyimid wasiiro katirsan maamulka Hir Shabeelle.
Waxaa kamid ah wasiirada ka horyimid Wasiir Buli, oo sheegay in wasiirka arimaha gudaha ee maamulka Hir Shabeelle aanu xaq u lahayn arintaas.