Wasiir amniga ee maamulka la baxay Hirshabeelle ayaa tilmaamay iney wadi la’yihiin dagaallada ka socda Bariga gobolka Hiiraan, isaga oo sheegay in meydkoodu banaanka yaal.
Cabdi Daahir Guure Karoore oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka la baxay Hirshabeelle ayaa sheegay, in sheegay in dagaalku ku adkaaday, isagoo dhanka kale qirtay in laga laayay askar badan.
Wuxuu quus ka muujiyay sii waditaanka dagaalka ay kaga jiraan Hiiraan, isagoo cabanaya dhaqaale la’aan iyo garab istaag ay ka waayeen Dowladda Fedaraalka.
Madaxda Dowladda Fedaraalka ayuu ku eedeeyay iney xaflado iyo muusik isaga dhexjiraan, wuxuuna nasiibdarro ku tilmaamay arrintaasi sida uu hadalkiisa udhigay.