Maamulka labaxay Jubbaland ayaa Masuuliyadda dagaalkii Baardheer wuxuu dusha kaga tuuray Dowladda Federaalka ee uu hogaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud.
War saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arimaha gudaha ee maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay, in ciidamo katirsan Dowladda Federaalka ay weerar kusoo qaadeen magaalada Baardheere, khasaaraha kala duwan ee wixii halkaasi ka dhacayna ay masuuliyadooda qaadaneyso Dowladda Federaalka.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay, in weli Dowladda Federaalka ay qorsheyneyso iney dagaallo dhiig ku daato ka fuliso qeybo kamid ah gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaarrey.
Sidoo kale kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland, islamarkaana uu shir gudoomiyay Axmed Madoobe, ayaa lagu sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxdiisa ay weli isku dayayaan iney awood milliteri adeegsadaan, taasina ay ku fashilmi doonaan.