Iyadoo dhawaan hogaamiyaha maamulka la baxay Koonfur-galbeed ninka lagu magacaabo C/Casiis Laftagareen uu isaga baxay shirkii uu ku baaqay Xasan Sheekh kuna laabtay magaalada Beydhabo, ayaa waxa uu maamulkaas eedeyn cusub u jeediyay Dowladda Fedaraalka.
Maxamed Ibraahim Bilaal oo ah Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ee maamulka la baxay Koonfur-galbeed oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Beydhabo ayaa waxa uu sheegay, in Dowladda Fedaraalka ay magaalada Muqdisho kaga dhawaaqday jabhad ka dhan ah maamulkooda, taas oo la doonayo in iyaga lagu qalqal galiyo.
Mar uu ka hadlayay shirkii fashilmay ee ka dhacay Muqdisho ayuu wasiirku tilmaamay in halkaasi ayba aheyd goobta laga soo abaabulay jabhadda iyaga ka dhanka ah, isagoona hoosta ka xarriiqay in marnaba aysan aqbali doonin in jabhad hubeysan laga sameeyo goobaha ay ka arrimiyaan.