Iyadoow waayihii dambe ay isa soo tarayeen falalka lidiga ku ah diinta Islaamka ee ay ku hacayaan Dowladda Fedaraalka iyo maamul goboleeyada iyada hoosyimadaa, ayaa waxay dhinaca kale dhaqan ka dhigteen iney la dagaallamaan Indhashareerka ay sheegtay shareecada Islaamka in ay xirtaan gabdhaha Muslimaadka ah.
Meelaha ugu badan ee laga diido indhashareerka ama lagala dagaallamo waxaa ugu horreeya dhulka ay ka taliyaan maamul goboleedyada ay shisheeyuhu dhisteen islamarkaana ahdaafta loo taagan ay kamid yihiin kala qeybinta dalka.
Magaalooyin ay kamid tahay Kismaayo ayey horay maamullada joogaa ula dagaallameen, waxaana haatan kusoo biiray maamulladaasi kan ka arrimiya Baladweyne oo ku dhawaaqay.