War kasoo baxay maamulka isku magacaabay Hirshabeelle ayaa waxaa shaaca looga qaaday, in xiriirkii wadashaqeyn ay ujareen gudoomiyaha hey’adda loogu yeero maareynta musiibooyinka ee taabacsan Dowladda Fedaraalka.
Maamulka ayaa hey’adda ku eedeeyay ku tagrifalka gargaar uu sheegay in isaga loogu talagalay, iyo hufnaan la’aan ka muuqatay hab maamulka deeq ay hey’addaasi geystay degmada Moqokori ee gobalka Hiiraan.
Gudoomiyaha hey’adda taabacsan Dowladda Fedaraalka ayuu maamulka la baxay Hirshabeelle ku eedeeyay inuu yahay ninka masuulka ka ah arrimahaan, taasna ay abuurtay niyad jab iyo kalsooni darro dhexooda ah.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa degmada Moqokori ka dagay 2 diyaaradood oo siday dhowr kartoon oo lagu sheegay deeq loogu talagalay ciidamada Dowladda Fedaraalka ee ka dagaallmaya halkaas, gudoomiyaha hey’adda loogu yeero Maareynta Musiibooyinka ee Dowladda Fedaraalka ayaana waji gabax kala kulmay arrintaas, kadib markii gudoomiyaha gobalka Hiiraan Muuse Salaad Wehliya uu sheegay in aysan u cuntamin 4 kartoon oo diyaarado loogu keenay, taasna ay tahay wax aysan ku qanci karin.
Hey’adda loogu yeero Maareynta Musiibooyinka ee Dowladda Fedaraalka ayaa had iyo jeer lagu eedeeyaa iney ka shaqeyso musuqmaasuq iyo wax isdabamarin, Hay’adaan oo magac ahaan wadata u gargaaridda dadka tabaaleysan, ayaa kamid ah meelaha ugu musuq maasuqa badan, raashiinka loogu talogalay dadka dhibaateysan ayayna ka iibstaa suuqyada Muqdisho.