Golaha wasiirada ee maamulka la baxay Jubbaland ayaa shalay magaalad Kismaayo ku yeeshay shirkoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayay hogaamiyaha maamulka la baxay Jubbaland Axmad Madoobe.
War-saxaafadeed kasoo baxay kulankan ayaa lagu sheegay in maamulkaasi uu cambaareynayo shirka ka dhacay Muqdisho ee udhaxeeyay hogaanka Dowladda Fedaraalka iyo madaxda maamul goboleeyada qaar, waxaana lagu sheegay inuu baalmarsan yahay dasuurta udegan ee ay ku dhaqmaan.
Bayaan kale oo xalay kasoo baxay shirkii Muqdisho ayaa lagu sheegay inaaneyn dhinacyada ka qeybgalay shirkaasi maamul jira u aqoonsaneyn maamulka la baxay Jubbaland ee haatan ka jira Kismaayo, Axmad Madoobe ayaana arrinkaasi aad uga carooday.