Habeennimadii xalay waxaa xabsiga loo taxaabay agaasimihii idaacadda Wanlaweyn ee ku taalla degmadaas, kadib markii ay soo weerareen ciidamo ka amar qaata gudoomiyaha maamulka la baxay Koonfur Galbeed ugu mgacaaban degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/Hoose.
Tifaftiraha radiyaha Wanlaweyn Cabdishakuur Axma Xasan oo warbaahinta la hadlay, ayaa ka warramay xariga ninkan iyo sababta keentay.
Wuxuu kaloo sheegay in maamulka degmadaasi uu caburin ku hayo bulshada magaalada.