Thursday, May 8, 2025
HomeAll NewsMaamulka la Baxay Soomaaliland oo 6 Bilood oo Xabsi ah ku Xukumay...

Maamulka la Baxay Soomaaliland oo 6 Bilood oo Xabsi ah ku Xukumay C/Maalik Muuse Coldoon.

Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa waxa uu xukun ku riday, Samafale Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo ay bil kahor xireen ciidamada maamulkaas.

Cabdi Maalik ayaa waxaa lagu xukumay 6 bilood oo xabsi ah, iyo in uu bixiyo lacag dhan 300 oo Doollarka Mareykanka ah, sida uu shaaciyay Cabdiraxmaan Muuse Coldoon oo ah nin la dhashay samafalaha u xiran maamulka la baxay Soomaaliland.

Tan iyo wixii ka dambeeyay xariga Cabdi Maalik Muuse Coldoon, ayaa waxaa lasoo warinayaa in Coldoon uusan qabsan wax qareen ah, ugu dambeynna maanta lagu riday xukunka 6 bilood ee xariga ah iyo lacagta dhan 300 ee Doollar.

Magaalada Berbera ayaa laga qabtay Coldoon, kadib markii uu ka yimid magaalada Bohol ee katirsan gbalka Sool uu kol sii horreysay aaday, isagoona xilligaasi sheegay inuu tagay goob aamin ah.

Ehellada C/Maalik Muuse Coldoon ayaa waxa ay sheegeen in xariga loo iibin karo, taas oo ka dhigan in badalka 6-da bilood ee xariga ay bixiyaan lacag lagu sii deynayo Coldoon.

Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa sidaan oo kale xabsiga loogu taxaabay Cabdi Maalik Muuse Coldoon, waxaana mar waliba oo xabsiga laga sii daayo uu sheegayay inuusan ka tanaasuli doonin faafinta kheyrka iyo ka hortagga dhagaraha loo maleegayo umadda Soomaaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.