Habeenkii xalay waxaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ka dhacay, iska hor-imaad u dhexeeyay nin hubeysan iyo ciidamo katirsan boliska maamulka la baxay SSC Khaatumo.
Masuul u hadlay ciidamada Boliska ee maamulka ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay, iska hor-imaadka dhex maray ruuxa hubeysan iyo ciidamadooda.
Waxa uu sheegay in askartu ay dileen ninkaan oo ay ku eedeeyeen mukhaadaraad, isagana uu dilay askari Bolis ah sidoo kalana dhaawacay 4 kale.