Maamulka iyo Ardeyda Madarasada Imaamu Shaafici ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in dhul uu iskuulku leeyahay ay dhisteen dad ciidamo hubeysan wata.
Maamulka iskuulka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saaka ay ka war heleen in afaafka madarasada oo lagu baakimi jiray gawaarida ardeyda keenta iskuulka, ay yimaadeen dad wata ciidamo hubeysan, ayna dhisme ka billaabeen. Macallin Kobac oo ku hadlay magaca maamulka iskuulka Imaamu Shaafici ayaa ka warbxiyay waxay ka cabanayaan.
Sidoo kale ardeyda Imaamu Shaafici ayaa ka codsaday DOwladda Federaalka in dhulkooda loo daayo, wadada ay ku imaan lahaayeenna loo furo.