Maamulka ay Dowladda xabashida Itoobiya ka hirgalisay dhulka Soomaali-galbeed, ayaa malaayiin lacag bir ah ugu deeqay dadka Amxaarada ah ee kamid ah qowmiyadaha dega dalka Itoobiya.
Munaasabad ka dhacday magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya, islamarkaana lacagaha loogu aruurinayay dadka Amxaarada ah ee daga magaalada Gonder, ayaa waxaa ka qeyb galay Mustafa Cagjar iyo masuliyiin kale oo ka tirsan mamulkiisa, waxyna halkaasi ku bixiyeen deeq loogu talagalay Amxaarada.
Masuul katirsan maamulka Amxaarada oo goobjoog ahaa munasabadda ayaan goobta uga mahad celiyaya madaxweynaha maamulka ay Xabashidu ka dhisatay Soomaali-galbeed ninka lagu magacaabo Mustafaa Cagjar.
Xogaha lahelayo ayaa tilmaamaya in wax ka badan 15 milyan oo lacag bir ah uu Mustafa Cagjar ugu deeqay dadka Amxaarada ah.
Lacagahaan ayaa sida qorshahu yahay gurmad loogu sameenayaa dadka Amxaarada ah, iydoona dhanka kale lagu qurxinayo magaalda Gonder.
Tani ayaa imaaneysa xili ay dadka Soomaaliyeed ee dagan dhulka Soomaali-galbeed ee uu ka arimiyo maamulkaan xabashida ku daaban ay wajahayaan abaaro daran gaajo iyo nolal xumo, qaar badan oo kamid ah qoxootiga dagan xerada Qollajina ay qarka usaran yihiin in ay macaluul ugeeriyodaan.
Iska daa inuu wax uqabto dadkaasi, waxa uu maamulkaan dadka ugeysanyaa dil iyo dhac, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay kordheen tacadiyaadka uu ku kacayo maamulka Mustafa Cagjar.