Saturday, May 17, 2025
HomeAll NewsMaamulka Puntland oo C/Qaadir Firdhiye ku Eedeeyay Inuu ka Shaqeynayo Burburintooda.

Maamulka Puntland oo C/Qaadir Firdhiye ku Eedeeyay Inuu ka Shaqeynayo Burburintooda.

Maxamuud Ceydiid Dirir oo ah Wasiirka Warfaafinta maamulka la baxay Puntland, ayaa waxa uu sheegey in hogaamiiyaha maamulka isku magacaabay SSC Khaatumo uu u gafay maamulkooda iyo kan Jubbaland.

Waxa uu tilmaamay in Cabdulqaadir Firshiye uu qalinka ku duugay, qorshe la doonayo in lagu dumiyo labadaan maamul oo uu khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeyo Xasan Sheekh.

Firdhiye ayuu ugu baaqday inuu si degdeg ah raali galin uga bixiyo arrintaas, isagoona xusay in aan marnaba la dumin karin maamullada la baxay Puntland iyo Jubbaland.

Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa waxa uu sidoo kale weerar afka ah ku qaaday Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka, isagoo ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo wax burburin oo kaliya islamarkaana uu marba ku duulayo gobal horleh, isagoo maamul gobaleedyada kale ugu iney qeyb kasii ahaadaan Xisbiga Xasan Sheekh.

Halkaan ka Degso Warka Maamulka Puntland

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.