Tuesday, April 22, 2025
HomeAll NewsMaamulka Puntland oo Sheegay Iney Kasii Dartay Xaaladda Amni ee Dowladda Fedaraalka.

Maamulka Puntland oo Sheegay Iney Kasii Dartay Xaaladda Amni ee Dowladda Fedaraalka.

Wasiirka Warfaafinta ee maaamulka la baxay Puntland ayaa sheegay iney kasii dartay xaaladda Dowladda Fedaraalka, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna ay taagan yahay Albaabada Muqdisho.
Maxamuud Caydiid Dirir oo ah Wasiirka Warfaafinta ee maamulka la baxay Puntland ayaa waxa uu ka hadlay, guuldarooyinkii ugu dambeeyay ee soo gaaray Dowladda Fedaraalka.
Waxa uu sheegay in Xasan Sheekh iyo Dowladdiisu ay dayaceen ciidamada Dowladda Fedaraalka saadkiina ay ka goosatay, kuwaas oo uu xusay iney qorshe la’aan udhamaanayaan.
Dowladda Fedaraalka ayuu tilmaamay ineysan waxba gacanta ugu jirin, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaabna ay ku sugan tahay Koontaroollada magaalada Muqdisho.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.