Maamulka la baxay Puntland ayaa Sheegay iney soo dhaweynyaan qorshaha Trump ee ah in la barakiciyo dadka reer Qazza lana Geeyo wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta maamulka la baxay Puntland, ayaa sheegay ineysan wax dhibla ahayn waqtigan hadda la joogo islamarkaana ay soo dhaweynayaan in boqolaal Falastiiniyiin ah la keeno deegaanada ay ka taliyaan.
Soo dhaweyntani ma ahan jacayl uu uqabo dadka Falastiiniyiinta ee la doonayo in laga barakiciyo dhulkooda ee wuxuu sheegay, iney tixgelinayaan oo ay raacayaan ”sharciga Caalamiga”.