Wasiirka Arrimaha Dibadda ee maamulka la baxay Soomaaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa war qoraal ah oo uu kusoo qoray baraha uu Internetka ku leeyahay waxa uu ku sheegay, in Mareykanka ay kala hadleen baajinta safarka Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Fedaraalka uu ku tagato magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool.
Waxa uu wasiirku sheegay, in Mareykanka uu la qaatay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo hakiyo safarka uu Xamse Cabdi Barre ku tagato magaalada Laascaanood.
“Ninkii Raysal Wasaaraha ahaa ee tagayay Laascaanood dagaal weyn ayaanu maanta ka galnay, dowladda Maraykanku way nala qaadatay in si degdeg ah loo joojiyo, oo uuna tagin,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka la baxay Soomaaliland.