Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa ka hadlay fadeexad ay dhawaan Dowladda Fedaraalka kala kulantay wafdi ay udirtay dalka dibaddiisa.
War kasoo baxay Afhayeenka Madaxweynaha Maamulka la baxay Soomaaliland Xuseen Aadan Cige (Deyr) ayaa looga hadlay, fadeexaddii ay dhawaan Dowladda Fedaraalka kala kulantay wafdi ay udirtay dalka dibaddiisa.
Afhayeenka ayaa sheegay in fadeexaddii diblimaasiyadeed ee ay Dowladda Fedaraalka kala kulantay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, taas oo la xariirtay in kala bar wefdigii iyada ka socday ay baxsadeen aanay ahayn keliya weji-gabax, balse ay tahay arrin soo bandhigeysa burburka iyo musuqmaasuqa ka dhex jira hey’adaha Dowladda Fedaraalka.