Tuesday, June 24, 2025
HomeAll NewsMaamulka Soomaaliland oo Sheegay inuu sii Xoojin Doono Xiriirka Kala Dhaxeeya Itoobiya.

Maamulka Soomaaliland oo Sheegay inuu sii Xoojin Doono Xiriirka Kala Dhaxeeya Itoobiya.

Waxaa maalintii shalay magaalada Hargeysa dib ugu soo laabtay, Wefti uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda maamulka la baxay Soomaaliland C/Raxmaan Daahir Aadan, kaas oo booqasho 3 maalmood qaadatay ku joogay caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa.

Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Itoobiya ayay la kulmeen wafdiga ka socday maamulka la baxay Soomaaliland, waxaana wafdigaan si gaar ah uqaabilay Wasiirka arrimaha dibadda ee Itooboya, iyadoo Itoobiya ay sheegtay iney kawada hadleen kor u qaadista iskaashiga xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay maamulka uu hogaamiyo C/raxmaan Cirro.

C/Raxmaan Daahir Aadan oo ah wasiirka arrimaha dibadda maamulka la baxay Soomaaliland oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay, in dhammaan ay soo fuleen qorshayaashii ay utageen Adis Ababa, ayna ku faraxsan yihiin in xirirka ay la leeyihiin Itoobiya uu ka fiican yahay sidii uu ahaan jiray.

Tani ayaa waxa ay daaha ka feedeysaa sida maamulka la baxay Soomaaliland uu daacad ugu yahay, Dowladda Itoobiya oo ay colaad soo jireen ah kala dhaxeyso umadda Soomaaliyeed, maamulkaan ayaana horay Xabashida ugu hibeeyay iney si bilaash ah ku qaadato qeybo kamid ah xeebaha Soomaaliya, tani ayayna dadka qaar ku sifeeyeen iney tahay arrin kale oo ugogol xaareysa sidii ay Itoobiya u xaqiijin laheyd damacyada ay ka leedahay Soomaaliya.

Halkaan ka Degso Warka Maamulka Soomaaliland

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.