Tuesday, April 29, 2025
HomeAll NewsMaamulka SSC Khaatumo oo Kan Soomaaliland ku Eedeeyay Barakicinta 50,000 oo Ruux.

Maamulka SSC Khaatumo oo Kan Soomaaliland ku Eedeeyay Barakicinta 50,000 oo Ruux.

Maamulka la baxay Soomaaliland ayaa lagu eedeeyay in tobannaan kun oo ruux uu ka barakiciyay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobalka Sanaag.

Maamulka SSC Khaatumo ayaa kan isku magacaabay Soomaaliland waxa uu ku eedeeyay, in dad gaaraya 50,000 oo ruux uu ka barakiciyay magaaalada Ceerigaabo oo ay isku heystaan labada maamul.

War kasoo baxay maamulka eedeynta jeediyay ayaa lagu sheegay, in maamulka la baxay Soomaaliland uu beegsaday dadka nugul, sida waayeellada, haweenka iyo caruurta.

Waxay intaa ku dareen in maamulka Soomaliland uu dilay 3 carruur ah iyo hooyadood isla markaana ay afduubeen laba wiil oo da’doodu u dhexayso 16 iyo 18.

Halkaan ka Degso Warka Eedeynta

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.