Wararka naga soo gaaraya galbeed dalka Yaman ayaa ku waramaya, in diyaaradaha dagaalka ee Yahuuddu ay shalay duqeymo culus la beegsadeen saddex dekedood oo ku yaalla dhulka ay kooxda Xuuthiyiintu ka maamulaan dalka Yaman, Sida ay baahiyeen illo ka tirsan warbaahinta kooxda, kuwaas oo xaqiijiayay weerarada in kastoo aysan sheegin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqaymahan.
Inka badan 10 weerar ayaa lagu qaaday dekedaha Xudeydah, Saliif iyo Ras-Ciisa, kuwaas oo ah marinno istiraatiiji ah oo ay kooxda Xuutiyiintu si joogto ah uga soo dajiyaan badecadaha kala duwan ee ukala goosha gobalada dalka Yaman.
Duqaymahan ayaa imaanaya, iyadoo maalmihii u dambeeyay ay Xuutiyiintu weerarro isdaba joog ah la beegsatay dhulka ay Yahuuddu ka guumaysato Falastiin, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday magaalada Talla-biib gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee Bingooriyaan.