Maamulka Yahuudda ee uu majaraha u hayo mujrimka lagu magacaabo Binyamiin Netanyaahu ayaa sii wada go’doominta iyo duqaymaha uu ku gumaadayo dadka marasta ah ee gaajaysan ee ku nool xayndaabka go’doonsan ee Qazza.
Diyaaradaha cadawga Yahuudda ayaana saacadihii lasoo dhaafay duqeymo dhowr ah ku qaaday gooba kala duwan oo ka tirsan Marinka Qazza, kuwaas oo sababay shahiidka iyo dhaawaca dad rayid ah.
Afar qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Yahuuddu la beegsadeen teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla galbeedka magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza. Ilo wareedyo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan marinka Qazza ayaa sheegay, in afarta ruux ee shahiiday ay ku jireen ilmo yar iyo labo dumar ah.
Magaalada Qazza, ilo ku sugan Isbitaalka Macmadaani ee magaaladaasi ayaa sheegay, in 20 qof oo ay ku jiraan sagaal carruur ah ay ku shahiideen laba duqeyn oo ay diyaaradaha Yahuudda galabnimadii shalay oo Sabti ahayd ku qaadeen suuq caan ah oo ku yaalla xaafadda Attuffaax ee bariga magaalada Qazza, taasoo tirada dadka ku shahiiday marinka Qazza tan iyo waabarigii Sabtidii ka dhigaysa 60 qof.
Geesta kale, warar ay heshay warbaahinta ayaa sheegaya, in madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam uu doonayo inuu ku qanciyo ra’iisul wasaaraha Yahuudda Binyamiin Netanyaahu inuu ogolaado heshiis xabbad-joojin ah oo laga gaaro marinka Qazza iyo sii-deynta maxaabiista Yahuudda ee ku xiran isla Marinka Qazza.
Majaladda Niyuus-wiik oo soo xiganaysa ilo xog ogaal u ah wada-xaajoodka xabad joojinta ee Qazza ayaa sheegtay, in heshiis laga gaaro Marinka Qazza uu yahay mid aad u macquul ah, Taraamna uu ku dadaalayo sidii uu ugu qancin lahaa Yahuudda, in waqtigan hadda la joogo uu yahay waqti ku munaasab ah, maadaama ay xaliyeen arrinta Iiraan.
Shabakadda wararka ee “Walla” ee Yahuudda ayaa ku warrantay, in lagu wado Wasiirka Arrimaha Istaraatijiyadda ee Yahuudda inuu booqasho ku tago Mareykanka Isniinta soo socoto, taas oo ujeeddadeedu tahay, in uu wadahadallo ku saabsan xabbad-joojinta Qazza iyo Iiraan uu kala yeesho mas’uuliyiinta Mareykanka, iyo sidii loo agaasimi lahaa booqasho uu Ra’iisal Wasaaraha Yahuudda Binyamiin Netanyaahu uu ku tago Aqalka Cad ee Mareykanka.
Madaxweynaha Mareykanka Doonal Taraam ayaana Jimcihii sheegay, inuu aaminsan yahay in xabad joojinta Marinka Qazza la gaari karo toddobaadka soo socda, isagoo xaaladda dhulka Falastiin ku tilmaamay mid aad looga naxo.
Saadaasha Taraam ayaa ku soo beegantay xilli aysan muuqan wax horumar ah oo laga gaaray wadahadallada u dhaxeeya muqaawamada Falastiin iyo Yahuudda. Afhayeen u hadlay xafiiska ergeyga gaarka ah ee Taraam u qaabilsan Bariga Dhexe ayaa sheegay inaysan haynin wax xog ah oo ay shaaciyaan marka laga reebo hadalada Taraam.