Monday, June 23, 2025
HomeAll NewsMaamulka Yahuudda oo Duqeymo Horleh oo ka Fuliyay Marinka Qazza.

Maamulka Yahuudda oo Duqeymo Horleh oo ka Fuliyay Marinka Qazza.

Ilo ku sugan isbitaallada marinka Qazza ayaa kusoo waramay, in tiro rayid ah ay ku shahiideen kuwa kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha Yahuudda subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah la beegsadeen teendho ay ku noolaayeen dad barakacayaal ah oo ku taalla galbeedka magaalada Khaan Yunis ee koonfurta Marinka Qazza.

Dad goob-joogayaal ah ayaa kusoo waramay, in ciidamada gumeystaha Yahuuddu ay duqeeyeen tobonaan guri iyo teendhooyin ay ku jireen dad barakacayaal ah oo ku yaalla marinka Qazza, waxaana ka dhashay shuhado iyo dhaawac fara badan.

Labo qof oo rayid ah ayaa ku shahiiday ku dhawaad ​​15 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu la eegteem guri ku yaalla xaafadda Al-Karaama ee waqooyi-galbeed ee magaalada Qazza, sida laga soo xigtay ilo caafimaad oo ku sugan isbitaalka Al-Shifa ee magaaladaasi.

Sidoo kale, hal qof ayaa ku shahiiday kuwa kalena waa ay dhaawacmeen kadib markii diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Yahuudda ay duqeeyeen guri ku yaalla magaalada Deyrul Balax ee bartamaha marinka Qazza.

Halka tiro shacab ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen rasaas iyo duqeymo ka dhacay agagaarka xarumo huwan magac gargaar oo ay Yahuudda maamusho oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta marinka Qazza.

Masaadir ku sugan isbitaallada marinka Qazza ayaana goor sii horaysay sheegay, in 50 qof oo ay ka mid ahaayeen 18 qof oo gaajaysan oo gargaar sugayay ay ku shahiideen duqeymaha Yahuudda tan iyo aroortii hore ee Axadda.

Dhanka kale, garabka millatari ee muqaawamada Falastiin ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigeen bartooda Telegaraamka ku sheegay, inay dagaal-yahannadooda askari Yahuudi ah ku dileen bariga xaafadda Shujaaciyah ee ka tirsan magaalada Qazza. Waxa ay sidoo kale sheegeen, inay labo dufca oo hoobiyaal ah ku asqeeyeen fariisin ay ciidamada Yahuudda ku leeyihiin isla goobta lagu dilay askarigaas oo ah bariga xaafadda Shujaaciyah.

Muuqaal kooban oo ay muuqaawamada ku baahiyeen bartooda Telegaraamka ayaa muujinaya hoobiyaasha oo ku hoobanaya gudaha xerada Yahuudda, iyadoo askarta Yahuudda ay kala firxanayaan sida laga dheehan kara fiidiyoowga.

Kooxaha wax iska caabinta ee marinka Qazza ayaa xoojiyay weerarrada iyo kamaa’innada ay u dhigayaan ciidanka gumaystaha Yahuudda, iyagoona ku dadaalo inay hab muuqaal ah oo itus iyo itaab sii ah usoo bandhigaan weerarrada lagu naafeeyo ciidamada gumaystaha Yahuudda ee duulaanka ku jooga marinka Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.