Wararka ka imaanaya dhulka Shanaam gaar ahaan dalka Lubnaan ayaa sheegaya, in diyaaradaha maamulka Yahuuddu ay duqaymo cusub la beegsadeen koonfurta Lubnaan, taas oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen tiro dad ah.
Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn diyaaradeed oo ay Yahuuddu ka fulisay degmada Bint Jabiil ee koonfurta Lubnaan. Wakaaladda wararka ee dalkaas oo ka hadashay dhacadadan ayaa sheegtay, in diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Yahuudda ay gantaal ku dhufteen barxad ku taalla guriga qoys daggan tuulada Bayt Liif.
Wasaaradda Caafimaadka ee Lubnaan ayaa sidoo kale xaqiijisay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay duqayntan. Afhayeenka milatariga Yahuudda oo isna dhankiisa ka hadlay hawgalkan, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa “X” ee horay loo oran jiray Tiwiitar ku sheegay, in duqeynta lagu beegsaday xubno ka tirsanaa guutada “Ridwaan” ee qaybta ka ah kooxda shiiciga ah ee lamagac baxday Xisbullaah.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalmo ka hor Yahuuddu ay duqeyn kale ku dishay laba qof oo ku sugnaa degmada Shabcaa. Warbaahinta Yahuudda ayaana sheegtay, in labadaas qof ee la dilay uu mid kamida ahaa xubin sare oo ka tirsanaa Xisbullaah, halka midka kale uu qayb ka ahaa ururka “Sarayaa Al-Muqawama” oo gacan saar dhow la leh kooxda Xisbullaaha, sida uu sheegay Afhayeenka Yahuudda.
Dagaalka u dhexeeya Yahuudda iyo ururka Shiiciga ah ee Xisbullaah oo billowday maalin un kaddib hawgalkii Duufaanta Al-aqsaa ayaa ku fiday guud ahaan koonfurta Lubnaan dabayaaqada sanadkii ina dhaafay, kaas oo sababay dhimashada in ka badan 4 Kun oo qof iyo dhaawaca ku dhowaad 17 Kun oo kale, iyadoo ay ku barakaceen ku dhawaad 1.4 Milyan oo qof.