Thursday, May 22, 2025
HomeAll NewsMaamulka Yahuudda oo in ka Badan 20 Ruux ku Dilay Marinka Qazza.

Maamulka Yahuudda oo in ka Badan 20 Ruux ku Dilay Marinka Qazza.

Gumaystaha Yahuudda ayaa halkiisa kasii wado xasuuqyada iyo majaazirta uu ka geysanayo marinka go’doonsan ee Qazza, iyadoo ciidamadiisa gabood fallada ka geysnaya halkaas uu khasaare ka soo gaaray hawlgallo cusub oo ay fulisay muqaawamada Falastiin.

Ilo wareedyo ku sugan marinka Qazza ayaa ku waramaya, in 12 qof oo shacab ah ay ku shahiideen weerar dhanka cirka ah oo ay diyaaraha gumaystaha Yahuuddu ku qaadeen labo guri oo ku yaala magaalada Jabaliya ee waqooyiga Marinka Qazza.

Dhanka bartamaha marinka Qazza, duqeymo ay diyaaradaha cadawga Yahuuddu la beegsadeen guri ku yaala koonfurta magaalada Deyrul-Balax ayaa waxaa ku shahiiday 6 qof oo rayid ah oo ay ku jireen 3 carruur ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo iyagana shacab ah.

Ilo-wareedyo dhanka caafimaadka ah ayaa saxaafadda u sheegay, in baadigoobka dadka la la’yahay ay ka socdaan burburka guriga la beegsaday ee magaalada Deyrul-Balax. Gaadiidka Ambalaasta ayaa dhaawacyada iyo Meydadka Shuhadada u qaaday Isbitaalka Shuhadaa’u Al-Aqsaa ee magaaladaasi.

Dhanka koonfurta marinka Qazza, ilo-wareedyo ayaa soo sheegay, shahiidka 4 qof oo rayid ah, kuwaas oo ku baxay duqeymo ay diyaaradaha cadawga Yahuuddu la eegteen guri ku yaalla magaalada Khaan Yuunis. Sidoo kale hal qof oo shacab ah ayaa ku shahiiday mid kalena waa uu ku dhaawacmay duqeymo ay diyaaradaha Yahuuddu ku qaadeen guri ku yaalla magaalada Banii Suhayla ee bariga magaaladaasi.

Diyaaradaha dagaalka ee Sahaayinada ayaana aroornimadii hore ee maanta in ka badan 20 weerar ku qaaday xaafadaha dhaca bariga iyo koonfurta magaalada Khaan Yuunis, sida ay soo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Wakaaladda Wararka Falastiin ee Wafa oo soo xiganayso Ilo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan marinka Qazza ayaa ku warantay, in dad kor u dhaafaya 20 qof oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymaha cirka ah ee uu gumaytaha Yahuuddu ka waddo marinka Qazza tan iyo waabarigii maanta oo Arbaco ah, halka Wasaaradda caafimaadka ee jiidda Qazza ay sheegtay, in 98 qof oo rayid ah ay ku shahiideen duqeymaha uu gumaystaha ka wado Marinka Qazza tan iyo waaberigii Talaadada.

Dhankeeda, muqaawamada Falastiin ayaa  ku dhawaaqday, in howlgal cusub ay ku bartilmaameedsadeen ciidamada gumaystaha Yahuudda oo ku sugnaa bariga magaalada Khaan Yuunis ee koonfurta marinka Qazza.

Muqaamada ayaana bartooda Telegaraamka ku sheegay, in maalintii shalay ay dagaalyahannadooda gantaalka qoriga RPG la beegsadeen taangi uu leeyahay kayyaanka Yahuudda oo ahaa nooca loo yaqaana Merkaafaha, kaas oo ku sugnaa mandiqadda Khuzaaca ee bariga Khaan Yuunis.

Dagaalyahanada weerarkaas fuliyay ee ka tirsan muqaawamada Falastiin ayaana xaqiijiyay, inuu dab qabsaday gabi ahaanba Taangaas, kaas oo doonayay inuu gudaha u gala deegaankaasi, lamana oga xaaladda askartii saarnaynd taangigaas.

Howlgallada iska caabinta ayaa muddooyinkan dambe ku soo batay magaalooyinka Rafax iyo Khaan Yuunis oo ku wada yaalla koonfurta marinka Qazza, iyo sidoo kale Bayt Xanuun iyo Bayt Laahiya oo ku yaalla waqooyiga marinka Qazza, taasoo sababtay dhimashada iyo dhaawaca tiro badan oo kamid ah askarta gumaystaha Yahuuudda ee gabood fallada ka wado marinka Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.