Monday, May 12, 2025
HomeAll NewsMaamulka Yahuudda oo ku Dhawaad 20 Ruux ku Dilay Duqeymo uu ka...

Maamulka Yahuudda oo ku Dhawaad 20 Ruux ku Dilay Duqeymo uu ka Fuliyay Marinka Qazza.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa sheegtay, in gumaystaha Yahuudda uu majzaro iyo xasuuq cusub ka geystay Iskuulka ay gabaad ka dhiganayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla deegaanka Jabaliyal-Balad ee waqooyiga marinka Qazza, halkaas oo ay shuhado iyo dhaawac ku noqdeen dad rayid ah.

Duqeymahaan oo dhacay subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah ayuu gumaystaha Yahuuddu la beegsaday dad barakacayaal ah oo deganaa iskuul ay wax ku baran jireen gabdhaha reer Jabaaliya oo lagu magacaabo Faaduma Bintu Asad, waxaa halkaasi ku shahiiday 15 qof oo ay ku jireen caruur iyo haween, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida ay sheegeen ilo wareedyo ku sugan halkaas.

Dhanka magaalada Qazza, waxa laga soo sheegay, shahiidka hal qof  oo rayid ah iyo dhaawaca kuwa kale oo caruur ay ku jiraan, kuwaas oo ku waxyeeloobay duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay dad rayid ah oo ku sugnaa xaafadda Sheekh Ridwaan ee galbeedka magaaladaasi.

Iyadoo intaasi lagu darayo, ciidamada Yahuudda oo madaafiic aan loo meeldayaynin ku garaacay xaafadda Azzaytuun ee koonfurta magaalada Qazza, qaar kamida madaafiicdaas ayaana haleelay guri ay degan yihiin dad shacab ah, halkaas oo ay ku shahiideen aabe Falastiini ah iyo gabadhiisa.

Warbaahinta Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale sheegtay, in diyaaradaha cadawga Yahuuddu ay duqeeyeen guri ku dhow masjid lagu magacaabo Hamad al-Xasanaat oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Nusayraad ee bartamaha marinka Qazza, iyagoo aan sheegin, inay jiraan khasaare ka dhashay duqeymahaas iyo inkale.

Balse Wariye ka tirsan warbaahinta Aljaziira oo kasoo warama halkaas ayaa sheegay, in haweeney ay ku shahiiday duqeyn ay Yahuuddu la beegsatay masjid ku yaalla galbeedka xerada Nusayraad.

Isagoo intaasi ku daray, in diyaaradaha guumaystaha Yahuuddu ay dib u soo cusboonaysiiyeen duqeymaha culus ee ay ku hayaan magaalooyinka Qazza iyo Rafax. Halka TV-ga Al-Aqsaa uu sheegay, in diyaaradaha dagaalka ee Yahuuddu ay duqeymo xooggan ka wadaan magaalada Rafax, kuwaas oo dhawaaqooda laga maqlayo guud ahaan marinka Qazza.

Umuurahaan ayaa kusoo aadayo, iyadoo gumaystaha Yahuudda uu Marinka kusoo daabulayo ciidamo horleh, si ay u labo jibaaraan xasuuqyada iyo majaazirta uu ka wado marinka Qazza, balse shacabka reer Falastiin iyo muqaawamadooda oo uu caalamku khudlaaniyay ayaa ah kuwa u dhabar adaygayo gabood fallada gumaystaha Yahuudda, iyagoo maalmihii lasoo dhaafay dhagta dhiigga u daray qaar kamida askartiisa iyo saraakiishiisa, halka qaar kalana laga dhaawacay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.