Ciidanka Sahaayinada ee wali ku sugan Koonfurta Lubanaan ayaa dhibaatooyin kala duwan kawada halkaasi, kuwaasoo ay ugu wayntahay burburinta dhismayaasha ku yaalla magaalooyinka dhaca mandiqaddaasi.
Maalmihii lasoo dhaafay oo kaliya, waxay ciidanka Yahuuddu burburiyeen guryo aad farabadan, sida ay sheegtay wakaalladda wararka ee xukuumadda Bayruut.
Askarta yahuudda ayaa guryaha qaar dab ku qabtay, halka kuwa kalena ay qaraxyo ku burburiyeen, waxaana kamid ah meelaha ay falalkaasi ka geysteen, degmada Marjiciyuun ee gobolka An-Nabadiyah, magaalada Yaaroon iyo deegaanno kale.
Maamulka Yahuudda ayaa baahiyay muuqaallo muujinaya xilligii uu qarxinayay guryahan, isagoo qariyay degaanada ay falalkan ka fuliyeen.
Yahuudda ayaa waxay doonto ka sameyneysa Koonfurta Lubnaan, ciidamada xukuumadda Beruutna indhaha ayey ka daawanayaan, mana ka falcelin karaa tallaabooyinka gurracan ee askarta Yahuuddu sida joogtada ah ugu hayaan.