Askarta maamulka Yahuudda ee wali ku sugan Koonfurta Lubnaan, ayaa halkaasi ka wada dhibaatooyin kala duwan oo ay ku hayaan dadka shacab ah.
Maalintii shalay oo kaliya, waxay deegaano badan oo dhaca Koonfurta wadankaasi ka geysteen duqeyn qaraxyo ay ku xireen guryaha qaar iyo kuwo kale oo ay gubeen.
Bintu Jubeyl, Magaalada Ceyta Ash-Shacbi iyo duleedyada magaalada Xaaniin oo dhamaantood dhaca Koonfurta, waxay shalay ciidanka mamulka Yahuuddu qaraxyo ku xireen guryo ku yiillay halkaasi wayna burburteen.
Sido kale magaalada Al-Dhiiba ee dhacda mandiqadda Marjiciyuun waxay ciidanka Yahuuddu ka geysyteen falal isugu jira qaraxin iyo gubid ay ku sameeyeen guryo dhowr ah oo ku yaalla halkaasi.
Magaalooyinka Kafra-Kala, Markaba iyo Xuuwla ayey sidaasi si lamid ah ciidanka Yahuuddu qaraxiyeen dhismayaal ku yiillay halkaasi, iyagoo sido kale duqeyn ay fulisay diyaarad Drone ah ka geystay, Mandiqad dhacda inta udhaxeysa Waadiga Khansah iyo Al-Majiidiyah oo ku yaalla Koonfurta Lubnaan, lama oga cidda ay la beegsadeen.
Lama soo tebin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxyada iyo duqeynta ay fuliyeen askarta Sahaayinada, hase ahaatee waxaa guryahoodi ku waayay dad badan, maadaama uu maamulka gumeystuhu burburiyay.