Ciidamada maamulka Sahaayinada ayaa qarxin iyo burbur hor leh ka wada magaalooyin badan oo dhaca Koonfurta dalka Lubnaan, kadib markii ay horay ujabisay heshiis lagu sheegay xabad joojin oo la dhex dhigay iyaga iyo ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah.
Galabnimadii shalay oo Arbaco ahayd waxay Yahuuddu qarxiyeen guryo ku yaalla, magaalooyinka Maaroon Ar-Raas iyo Kafar Kallaa, kuwasoo dhamaantoo dhacay Koonfurta wadankaasi.
Wakaallad wararka ee xukuumadda Lubnaan ayaa iyaduna dhankeeda sheegtay, in ciidanka Sahaayinadu ay qarxiyeen guryo dhowr ah oo ku yaalla magaalada An-Naaquura ee dhaca Koonfurta Lubnaan.
Sido kale waxay qaraxyo ku xireen kadib burburiyeen tiro guryo ah oo ku yaalla mandiqado dhowr ah oo dhaca Koonfurta dalkaasi, ayna kamid ah tahay magaalada Suur.
Yahuudda ayaa wali faraha kula jira falkan burburta guryaha ah, xukuumadda Lubnaan iyo ciidankeeduna waxba kama bedeli karaan waxa socda sida muuqata.