Friday, June 27, 2025
HomeAll NewsMaamullada la Baxay Jubbaland iyo Puntland oo u Midoobay Mucaaradnimada Xasan Sheekh.

Maamullada la Baxay Jubbaland iyo Puntland oo u Midoobay Mucaaradnimada Xasan Sheekh.

Maamullada la kala baxay Jubbalanad iyo Puntland ayaa kasoo horjeestay hanaanka siyaasadeed ee ay wax uwaddo Dowladda Fedaraalka, kadib shir hogaamiyaasha maamulladaasi ugu soo gabagaboobay magaalada Garoowe.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulka la baxay Puntland ka socday, shir si wadajir ah ay uyeesheen Axmad Madoobe iyo Siciid Deni oo ah Hogaamiyaasha maamullada la kala baxay Jubbaland iyo Puntland.

Kadib shirkan markii uu usoo gabagaboobay waxay maanta soo saareen war-saxaafadeed soo bandhigaya qodobadii ay isku afgarteen oo ay ku jiraan kuwa ay kaga soo horkeedaan Dowladda Fedaraalka iyo siyaasadeed ku aaddan doorashooyinka, waxkabedelka ay ku sameysay dastuurka ay ku dhaqanto iyo arrimo kale oo ay ku diidan yihiin.

Axmad Madoobe iyo Siciid Deni ayaa waxba kama jiraan ku sheegay waxkabedelka Dowladda Fedaraalku ku sameysay dastuurka uqoran, waxayna sheegeen ineysan awood ulahayn iney wax ka bedesho.

Waxay si cad usheegeen ineysan aqoonsaneyn tallaabooyin dhawr ah oo ay Dowladda Fedaraalku qaadday kadib waxkabedelkii dastuurta.

Waxay ku eedeeyeen iney ku takrifashay dhaqaalihii ay siiyeen shisheeyaha qeybtii ay maamul goboleedyadu ku lahaayeen iyo iney u adeegsatay weerarada iyaga ka dhanka ah, shieeyaha ayeyna usoo jeediyeen iney iyagaa toos ula soo xiriiraan.

Halkaan ka Degso Warka Bayaanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.