Saacadihii lasoo dhaafay waxaa degmada Warsheekh ee gobolka Sh/Dhexe ka dhacay dil loo geystay macallin dugsi Qur’aan, dilka ayaana ka dhacay afaafka hore ee degmadaas.
Macallinka dilkiisa ayaa waxaa ka dambeeyay malleeshiyaad hubeysan waxaana lagu magacaabijiray Axmad Maxamuud Sheekh,
Dilka loo geystay macallinka ayaa waxaa lala xiriirinayaa aano qabiil, sida ay sheegeen goob joogayaal ay soo xigatay warbaahinta.