Mid kamid ah Macallinta ku nool magaalad Jigjiga ee kasoo baxay xabsiyada maamulka Itoobiya hoos taga ee halkaasi ka jira ayaa ka hadlay dhibaatooyinkii loo geystay iyo mudada uu xirnaa.
Macallin Khaliil oo kamid ah macallimiinta ku nool Jigjiga ayaa sheegay in dhibaato loo geystay 2 sano oo uu uxirnaa maamulka Xabashida Itoobiya halkaasi ka dhisatay.
Wuxuu sheegay inuu soo maray xabsiyo ay ku jiraan kuwo qarsoodi ah, islamarkaana illaa iyo hadda uusan haysan xorriyad dhameestiran, isagoo intaas ku daray inaan loo sheegin illaa iyo hadda sababta loo xiray iyo dembiga uu galay.