Sunday, June 15, 2025
HomeAll NewsMachad Reer-galbeed ah oo Warbixin ka Qoray Guulihii Al-Shabaab ee Hiiraan iyo...

Machad Reer-galbeed ah oo Warbixin ka Qoray Guulihii Al-Shabaab ee Hiiraan iyo Sh-dhexe.

Machad Reer-Galbeed ah oo ka faallooda arrimaha dagaallada ayaa warbixin ka qoray guulihii dhawaan ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shaabab ka gaartay Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Institute for the Study of War oo ah machad qaabilsan daraasaadka dagaallada fadhigiisuna yahay magaalada Washington ee caasimadda wadanka Mareykanka, ayaa warbixin ka qoray guulihii udambeeyay ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kasoo hooyeen furimaha dagaalka ee Sh/Dhexe iyo Hiiraan, kuwaasoo ay ka gaareen askarta Dowladda Fedaraalka.

Warbixinta oo dhawaan la baahiyay, ayaa si gaar ah loogu soo hadal qaaday weeraradii lagula wareegay degaanada Xawaadley iyo Ceel-Hareeri oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Qoraalka warbixinta ayaa lagu xusay, in guulihii bilihii lasoo dhaafay ay dagaallada ka gaareen ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kala daadiyeen islamarkaana dhabarka ka jabiyeen ciidanka Dowladda Fedaraalka.

Machadkan oo magaciisa loosoo gaabiyo [ISW] ayaa warbixinta uu qoray waxaa lagu sheegay, in ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegeen degaanka Ceel-Hareeri ee dhaca duleedka magaalada Moqokori, kadib markii ay ka faramaroojiyeen buu yiri askarta sirdoonka Dowladda Fedaraalka oo halkaasi ku sugnaa

Warbixintu waxa ay sheegtay, in degaanka Ceel-Hareeri ee ku jira gacanta ciidanka Xarakada Mujaahidiinta AL-Shabaab ku fadhiyo wadooyin muhiim ah, kuwaasoo isku xira deegaanno katirsan bartamaha Soomaaliya sida Moqokori iyo Maxaas, kana mid ah meelaha fara ku tirirska ah ee ku haray gacanta askarta Dowladda Fedaraalka marka laga hadlayo gobolka Hiiraan.

Sido kale waxay warbixintu sheegtay, in ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegeen degaanka Xawaadley ee gobolka Sh/Dhexe, oo qiyaastii 39 Mayl dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, taasoo halis gelineysa Dowladda Fedaraalka islamarkaana dhaxalsiineysa cawaaqib amni oo ballaaran, sida ay tilmaamtay warbixintu.

Guulihii ay Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka gaareen dagaalladii ay kula wareegeen degmada Aadan Yabaal iyo deegaanno kale oo kamid ah Sh/Dhexe iyo Hiiraan, ayey warbixintu xustay iney yihiin hawlgallo xooggan oo kahortaggoodu adag yahay.

Weeraradan ayey warbixintu xustay iney baabi’iyeen askartii lasoo abaabulay, islamarkaana halis istaraaji ku yihiin Dowladda Fedaraalka, dhanka kalena ay meesha ka saareen guulihii ay sheeganjirtay sanadkii 2022-kii, xilligaasoo uu Mareykanku si wayn uga caawiyay la dagaallanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayey tiri warbixintu.

Isku soo wada duuboo warbixintan ayaa kusoo aadeysa xilli caqabado kala duwan oo ay kamid yihiin kuwo siaasadeed iyo kuwa amni ay wajaheyso Dowladda Fedaraalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Halkaan ka Degso Warbixinta Machadka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.