Monday, April 7, 2025
HomeAll NewsMadaafiic Lagu Garaacay Xerada Xalane iyo Weerar ka Dhacay Lamu.

Madaafiic Lagu Garaacay Xerada Xalane iyo Weerar ka Dhacay Lamu.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta iyo xalay fuliyeen, weeraro ka dhan ah Shisheeyaha kusoo duulay dalka kuwaas oo ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo gobalka Lamu.

Haddaan ku horeyno Muqdisho, guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta weerar ku qaadeen, xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ay Shisheeyuhu ku leeyihiin Soomaaliya.

Tiro Madaafiic ah ayaa la xaqiijiyay iney gudaha ugaleen xarunta Xalane ee hoyga u ah Shisheeyaha duullaanka ku jooga dalka, walow aanan wali helin tafaasiil ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Dhowr jeer oo hore waxaa sidaan oo kale madaafiic loogu garaacay xerada Xalane, kuwaas oo qaarkood ay dhaliyeen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Shisheeyaha caddaanka iyo madowgaba leh ee halkaasi ku sugan.

Geesta kale wararka ka imaanaya gobalka Lamu ee ay Muslimiintu leeyihiin balse ay gumeysato Dowladda Kenya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar ka fuliyeen gobalkaas.

Weerarka ayaa waxaa xalay lagu qaaday, xero ay askarta Kenya ku leeyihiin Tuulada Basuuba oo u dhaxeysa Mangaay iyo Milimaani ee gobalka Lamu kuna hoos jira gumeysiga Kenya.

Waxaa lasoo warinayaa inuu dab xooggan ka kacay gudaha xerada, kaas oo gubay teendhooyin halkaasi ugu yiillay askarta oo ay ku keydsanaayeen hub iyo agabyo kale.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.