Tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar Madaafiic ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xalay ku garaaceen, xero ay askarta Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobalka Sh-dhexe.
Xerada Madaafiicda lagu weeraray ayaa lagu magacaabaa Hiilweyne, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Tirada askarta Dowladda Fedaraalka looga dilay Madaafiicda ayaa gaartay 6 askari, halka dhaawacuna uu marayo 6 kale, waxaana intaa dheer oo uu burbur xooggan soo gaaray xerada la duqeeyay.