Friday, April 18, 2025
HomeWarka GudahaMadaale oo Xilkii Laga Qaaday iyo Gudoomiye Cusub oo Loo Magacaabay Booskiisa.

Madaale oo Xilkii Laga Qaaday iyo Gudoomiye Cusub oo Loo Magacaabay Booskiisa.

Xasan Sheekh ayaa xilkii ka xayuubiyay gudoomiyihii gobolka Banaadir ee isaga ka hoos shaqeynayay.

Wareegto maanta kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Dowladda Fedaraalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii looga qaaday Yuusuf Xuseen Jimcaale oo loo yaqaano [Madaale], waxaana loo magacaabay Gudoomiye cusub oo uu wato Xasan Sheekh islamarkaana lagu magacaabo Maxamed Axmed Amiir.

Ninkan ayaa la sheegay inuu dibad joog ka ahaa dalka islamarkaana Xasan uu u arkay inuu ku fushankaro danihiisa, waxayna durbababa warbaahinta Dowladda Fedaraalka iyo kuwo la taageera bilaabeen iney buun buuniyaan.

Xilka qaadista ninka loo yaqaano Madaale ayaa la hadal hayay maalmihii lasoo dhaafay, wuxuuna Xasan Sheekh qaaday tallaabadii laga filayay oo la aaminsan yahay iney dab hor leh kusii shidikarto, khilaafka ka dhaxeeya Xasan maamul goboleedyada qaarkood.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.