Taliyaha Ururka 86aad ee ciidamada Dowladda Federaalka Gaanshaanle Mustaf Cumar Caalin ayaa sheegay, inuu aad uga xumaaday dilkii loo geystay Nuur Fareey oo ahaa taliyihii guutada 14ka October, kaasoo dhawaan lagu dilay duleedka degmada Afgooye ee Shabeellaha Hoose.
Wuxuu sheegay iney u saameysay dilka sarkaalkaas, si kadaran sida ay caruurtiisa u saameysay, wuxuuna sheegay inuu lafdhabar u ahaa dagaalka ka dhanka ah nidaamka Wilaayaadka Islaamiga ee Soomalaiya qeybo kamid ah ka hirgalay.