Thursday, May 15, 2025
HomeAll NewsMadaxda Sirdoonnadda Dowladaha Bariga Afrika oo Booqosho Ku Tagay Biyo Xireenka An-Nahda.

Madaxda Sirdoonnadda Dowladaha Bariga Afrika oo Booqosho Ku Tagay Biyo Xireenka An-Nahda.

Madaxda sirdoonka iyo laamaha amaanka ee dowladaha Bariga Afrika oo maalmahaani ku shirsanaa magaalada Addis-Ababa ee caasimadda Itoobiya ayaa booqasho dhulka ah ku tagay biyo xireenka Annahda ee ku yaalla galbeedka Itoobiya, talaabadaas oo ah mid aan horay loo arkin.

Booqashadan ayaa ka danbaysay shir heer gobol ah oo shalay ka dhacay magaalada Addis-Ababa, kaas oo ay isugu yimaadeen 13 ka mid ah madaxda hay’adaha sirdoonka iyo nabadsugida ee Bariga Afrika.

Mas’uuliyiinta biyo xireenka Annahda ayaa Weftiga la wadaagay xaaladihii ugu dambeeyey ee la xiriira dhismaha iyo hawlgelinta mashruuca Annahda. Halka weftiga madaxda hay’adaha sirdoonka iyo nabadsugida Bariga Afrika ay mas’uuliyiinta biyo xireenka Annahda ka dhegaysteen warbixin dheer oo ku saabsan mashruucan farsamo ahaan iyo awoodiisa wax-soo-saarka.

Dhankiisa, ku xigeenka madaxa hay’adda nabad-sugidda ee Itoobiya, ninka lagu magacaabo Taazir Gabri, ayaa sheegay, in booqashadu ay ku soo beegantay wakhti gaar ah oo muhiim ah, iyadoo mashruuca biyo xireenka uu heer gabo gabo ah marayo, isla markaana noqday xaqiiqo siyaasadeed oo saamayn ku leh gobolka. waa sida uu hadalka u dhigaye

Waxa uu ku nuuxnuuxsaday mas’uulkan Itoobiyaanka ah, in socdaalka madaxda hay’adaha ammaanka iyo sirdoonka Afrika ay ku tageen Biyo-xireenka uu ku soo beegmayo qayb ka mid ah dadaallada ay dawladda Itoobiya ku doonayso inay ku soo bandhigto xaqiiqada mashruucan, isla markaana ay beeniso waxa uu ugu yeeray wararka xanta ah ee ka dhanka ah biyo-xireenka.

Taas badalkeeda, Cilmi-baare Itoobiyaan ah oo lagu magacaabo Kiram Taadsi oo ka hadlay booqashadan ayaa sheegay, in ku darista biyo-xireenka ee ajendaha madaxda ammaanka iyo hay’adaha sirdoonka ee Bariga Afrika aan loo akhri karin booqasho borotokool ah oo keliya, balse ay tahay tallaabo ka tarjumaysa isku dayga ay Itoobiya ku doonayso inay biyo-xireenka Annahda u ekaysiiso sidii mashruuc horumarineed oo faa’ido u wada leh qaaradda Afrika oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya oo ah dal cadaawad soo jiraan ah u hayo Islaamka iyo Muslimiinta ayaa biyo Xireenka Annahda ugu talagashay inay ku cuno-qabatayso shacabka Muslimiinta ah ee ku dhaqan waddamada Masar iyo Suudaan, kuwaas oo si wayn ugu tiirsan biyaha wabiga Niil, halka talaabadaan ay u muuqato gaashaan buur cusub oo ay samaysanaysa, si ay u difaacato ujeedooyinkeeda gurracan.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.