Magaalada Addis-Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa waxaa maalintii shalay ka furmay shir heer gobol ah oo ay isugu yimaaadeen hay’adaha sirdoonka iyo kuwa ammaanka ee dowlaha Bariga Afrika.
Shirkaan oo ay isugu yimaadeen 13 ka mid ah madaxda hay’adaha sirdoonka iyo nabadsugida ee Bariga Afrika ayaa la sheegay, in looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca sirdoonka ee dalalka Bariga Afrika si wax looga qabto caqabadaha amni ee sii kordhaya, kaas oo ay sheegeen, inuu ugu horreeyo khataraha ka imaan kara waxa ay ugu yeereen argagixisada.
Ku xigeenka madaxa hay’adda nabad-sugidda ee Itoobiya, ninka lagu magacaabo Taazir Gabri ayaa hadal uu ka jeediyay shirkaas ku nuuxnuuxsaday, in waxa uu ugu yeeray argagaxisada ay wali khatar weyn ku yihiin gobolka, isagoona ku baaqay, in la qaato habab cusub oo ku saabsan shaqada sirdoonka.
Si kastaba ha ahaatee kulunkaan ka dhacay magaalada Addis-Ababa ayaa kusoo aadayo, xilli Xarakada Mujaahiidiinta Al-Shabaab oo ka dagaalanta Bariga Afrika ay dhawaanahaan la wareegtay magaalooyin iyo deegaanno badan oo dhaca Koonfurta Soomaaliya, iyadoona kulaalayso magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Halkaan ka Degso Warka Walaaca Gobalka