Sunday, July 13, 2025
HomeAll NewsMadaxweynah Iiraan oo la Xaqiijiyay inuu ku Dhaawacmay Dagaalkii ay Dhawaan la...

Madaxweynah Iiraan oo la Xaqiijiyay inuu ku Dhaawacmay Dagaalkii ay Dhawaan la Galeen Yahuudda.

Wakaaladda wararka Faaris ee kasoo baxda dalka Iiraan ayaa daaha ka qaaday, tafaasiil ku saabsan, in madaxweynaha Iiraan Mascuud Bazashkiyaan uu dhaawac ka soo gaaray weerarkii kadiska ahaa ee ay Yahuuddu ku qaaday dalka Iiraan.

Wakaaladdu waxay sheegtay, in Madaxweynaha uu dhaawac fudud ka soo gaaray lugtiisa, kadib weerar ay Yahuuddu 16-kii Juun ee lasoo dhaafay la beegsadtay shir ay lahaayeen Golaha Sare ee Ammaanka qowmiga ah ee Iiraan.

Wakaaladdu waxay intaa ku dartay, in saraakiisha Iiraan oo ku sugnaa dabaqyada hoose ay u suuragashay inay ka soo baxaan dhismihii uu kulanka ka socday, iyagoo adeegsanayay meel furan oo loogu talagay in laga baxo haday xalad degdeg ah soo gorarto, taas oo horay loo sii diyaariyay, kaddib markii qaarkood ay dhaawacyo soo gaareen.

Marka la eego saxnaanta xogta ay Yahuuddu heshay ee ku saabsan kulanka la beegsaday, waxa ay mas’uuliyiinta Iiraan hoosta ka xariiqeen, inay jireen basaasiin Yahuudda la wadaagay xogtaas, iyagoo sheegay, inay baaritaan ku wadaan arintaas.

Warbaahinta dowladda Shiicada ah ee Iiraan ayaa xustay, in weerarkan loo qorsheeyay inuu u ekaado kii  ay Yahuuddu ku dishay xoghayihii hore ee ururka Shiiciga ah ee Xisbullaah ninka lagu magacaabi jiray Xasan Nasrallaah, maadaama lix bam ay Yahuuddu la beegsatay afaafka hore iyo albaabada laga baxa ee dhismaha uu shirku ka socday, si loo xiro wadooyinka looga baxsado, hawadana laga jaro, taasoo keentay, in qaraxyada kadib uu dhismaha ka go’a korontada.

Hadalka warbaahinta Iiraan ayaa imaanayo, iyadoo madaxwaynaha Iiraan Mascuud Bazashkiyaan waraysi uu siiyay warbaahinta Mareykanka uu ku sheegay, in Yahuudda ay isku dayday inay disho isaga balse ay ku fashilantay, isagoo aan cadeyn goorta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.