Tuesday, April 8, 2025
HomeAll NewsMadaxweynaha Dowladda Fedaraalka oo u Safray Dalka Masar.

Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka oo u Safray Dalka Masar.[DHAGEYSO]

Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu booqasho ku tagay dalka Masar, kadib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa Cabdilfataax As-Siisi.

Labada dhinac ayaa kawada hadli doona arriimo la xiriira iskaashiga millatari ee dhexdooda ah, la dagaalanka waxa loogu yeero “Argagixisada” iyo ganacsiga.

Safarka Xasan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan uu heshiis la galay Abiy Axmed oo ah ra’iisal wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya, arrintaas oo ay aad uga carootay xukuumadda Al-Qaahira.

Xasan Sheekh ayaa ku jaha wareersan isku keenidda labadaan dal ee danaha kaala duwan ka leh Soomaaaliya, waxaana la arkaa isagoo marba u duulaya Adis Ababaa ama Al-Qaahira.

Halkaan ka Degso Warka Xasan Sheekh

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.