Marba marka ka dambeysa waxaa sii xoogeysaneysa xiisadda u dhaxeya Dowladda Itoobiya iyo maamulka kumeelgaarka ah ee gobalka Tigreega.
Madaxweynaha maamulka gobalka Tigreega ninka lagu magacaabo Tadesse Werede, ayaa waxa uu hanjabaad culus hawada u mariyay Dowladda Itoobiya iyo maamulka Canfarta.
Waxa uu sheegay in weerarada ka dhacaya gobalka Canfarta ay u arkaan iney yihiin kuwa ay ka dameyso Dowladda Itoobiya iyo maamulka gobalkaas.
Waxa uu sidoo kale sheegay in dhaqdhaaq waliba oo ka dhaca gobalka uusan aheyn mid ay kaliya sameynayaan ciidamada Tigreega, balse ay kaalin weyn ku leedahay xukuumadda Adis Ababa.
Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray iney wax waliba oo karaankooda ah ay sameynayaan sidii ay kaga hortagi lahaayeen waxa uu ugu yeeray xoogaga daba dhilifka ah ee wakiillada Shisheeye oo uu ula jeedo garabka kale ee kooxda TPLF.